Waxaanu goor dhawayd helnay sawirro muujinaya xoogagga Al-Shabaab oo si buuxda gacanta ugu haya deggaanka Coomaad oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Jihaadiyiinta ayaa saaka la wareegay deggaanka Coomaad, kadib markii ay xoog kaga saareen maleeshiyaadkii ku sugnaa ee kooxda Villa Soomaaliya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, maleeshiyaadka Gurguurte ayaa marka ay xaaladdu ku cuslaatay isaga firxaday deggaankaasi, iyadoo la xaqiijiyey in khasaare kala duwan uu gaaray.
